Chelsea & Arsenal Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbiyay Xiddig Wacdaro Ka Dhigaya Serie A-da.

Kooxaha Premier League ee Chelsea Iyo Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay labadooduba doonayaan saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Ac Milan ee Hakan Calhanoglu.

Xiddiga 27 jirka ah ayaa xor noqon doona dhamaadka xilli ciyaareedkan iyada oo si weyn loo filayo in uu isaga tago kooxda Ac Milan dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Shabakada Sky Sport Italia ayaa sheegaysa in ay Ac Milan xiddiga Calhanoglu u soo bandhigtay heshiis cusub oo uu sanadkii ku qaadan doono 4 milyan laakiin xiddiga ayaa doonaya heshiis 5 milyan ah.

Arintaas ayaa sabab u noqdatay in uu xiddigu diido heshiiska cusub waxana ay Arsenal iyo chelsea ka faa’iidaysanayaan xaaladaas iyaga oo haatan wadahadalo Rasmi ah la furay xiddiga.

Wararka ayaa sheegaya in ay chelsea iyo Arsenal diyaar ula yihiin xiddiga Calhanoglu mushahar aad u sareeya oo ah mid uuna ka helayn kooxda Ac Milan hadii uu sii joogo.

Sii Akhriso: Muhiim U Ah Gabadh Walba: 5 Arin Oo Uu Gacaliyahaagu Kaaga Baahanyahay Hadii Aad Doonaysid In Uu Ku Jeclaado.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*