Ciyaaryahankii hore ee khadka dhexe ee Chelsea, John Obi Mikel, ayaa ku andacooday in kooxdiisii hore ay “shan tallaabo dib u noqotay” tan iyo markii uu yimid tababare Liam Rosenior.
Mikel oo u dhashay Nigeria ayaa sidoo kale ku adkeystay in maamulka Chelsea ay khalad sameeyeen markii ay ceyriyeen Enzo Maresca, isagoo ku tilmaamay go’aankaas mid “waalli ah”.
Isagoo ka hadlayay barnaamijkiisa Obi One Podcast, Mikel wuxuu yiri:
“Manchester United inay ka sarreyso Chelsea marka la eego sida ay ku bilaabeen xilli ciyaareedka waa wax la yaab leh, runtii waa wax laga xumaado in la arko. Ma arko wax joogteyn ah (consistency) oo ka jirta Chelsea.
“Waxaan haysanay Enzo Maresca, waxaanan u maleynayaa inay ahayd khalad weyn in la eryo. Weli sidaas ayaan aaminsanahay, welina waan ku taaganahay.
“Waa wax aan macquul ahayn. Tababare noo keenay Club World Cup iyo Conference League, waxaana lahayn aqoonsi gaar ah oo ku saabsan qaabka aan u ciyaareynay.
“In kooxda laga eryo waa waalli. Shan tallaabo ayaan dib u noqonay. Haa, Liam wuu yimid wuuna guuleystay kulamo, laakiin wax baa maqan. Waxbaa si sax ah u soconayn.”
Be the first to comment