CHAMPIONS!! Real Madrid Oo Markii 15-aad Ee Taariikhdooda Ku Guulaystay Champions League.

Kooxda Real Madrid ayaa ku guulaystay champions League kadib markii ay garaacday Dortmund.

Kulanka ayaa ku bilowday qaab ciyaareed dar-dar leh oo ay soo bandhigtay Dortmund iyaga oo weeraro aan kala joogsi lahayn ku qaadayay Real.

Dortmund ayaa heshay fursado waali ah oo ay ku doonayeen goolal iyaga oo ku dhawaaday marar badan in ay Real Madrid ka dhaliyaan gool.

Laakiin Dortmund ayaa khasaarisay fursadaha ay heshay iyada oo Real Madrid sugaysay fursadeheeda.

Qaybta hore ayaa ku dhamaatay bar-baro iyada oo ayna labada kooxood kala dhalin wax gool ah.

Labada kooxood ayaa qaybta dambe ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay goolal koox walbana samaynaysay fursado.

Daqiiqadii 74-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay Dani Carvajal kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Dortmund ayaa isku dayday in ay ciyaarta ku soo laabato laakiin waxa ay sii wadeen luminta fursadaha.

Daqiiqadii 83-aad ayay Real Madrid dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay Vini Jr kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Real Madrid ku guulaystay champions League markii 15-aad oo taariikhdeeda ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga