Champions League Oo Man United Ka Caawin kara Saxiixa Cristiano Ronaldo, Qaab Noocee Ah?

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay isha ku hayso dib ula soo saxiixashada xiddiga Cristiano Ronaldo marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan maadama ay hatanba xaqiiqsadeen booskooda champions Leaue xilli ciyaareedka dambe.

Man United ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Tottenham Axadii iyaga oo haatan 9 dhibcood ka horeeya kooxda kaalinta 5-aad ku jirta ee chelsea xilli 7 kulan ka dhimantahay xilli ciyaareedka.

Wargayska Calciomercato ayaa sheegaya in ay Man United lacagta ay ka hesho u soo bixista champions league u adeegsan doonto la soo saxiixashada xiddiga Cristaino Ronaldo suuqa xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba u adeegsan doonto soo xero galinta Cristiano Ronaldo suuqa xagaaga.

Inkasta oo uu Cristiano Ronaldo dhaliyay 25 gool Serie A-da xilli ciyaareedkan hadana Juventus ayaa 12 dhibcood ka dambaysa kooxda Inter Milan kuwaas oo ku dhaw ku guulaysiga horyaalka xilli ciayareedkan.

Sii Akhriso: 22 Su’aal Oo Keeni Karta In Ay Is Jeclaadaan Laba Qof Oo Aan Aqoon Hore Isku Lahayn, Wax Ka Baro Su’aalahaas.

1 Comment

  1. Cr7 waqtigii lacag lagabixin laha waala dhaafay hada kidb free Lee waye sheekadiisa Paul waa best midfield in the world

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*