
Kulamada lugta 1-aad ee wareega 16-ka champions League ayaa laga diwaan galiyay rikoodh ay ugu dambaysay muddo 8 sano ah gaar ahaan xilli ciyaareedkii 2013/2014.
Tartanka champions League ayaa la soo afjaray kulamada lugta 1-aad ee wareega 16-ka iyada oo ay dhacday arin la yaab leh kulamadii la ciyaaray.
Arintaas ayaa ah in ay kaliya hal koox badisay kooxihii martida loo ahaa kulankaas ayaana ahaa kulankii ay Porto 2/1 ku garaacday Juventus.
Dhamaan kooxihii kale ee martid ahaa ayaa guul gaadhay laga bilaabo kulankii ay PSG 4/1 ku xasuuqday kooxda Barcelona kulan ka dhacay Camp Nou.
Xilli ciyaareedkan ayaa ah midkii ugu horeeyay ee u dhawaada xilli ciyaareedkii 2013/2014 markaas oo ay hal koox guul ku gaadhay garoonkeeda.
Sidoo kale xilli ciyaareedkaas waxa bar-baro galay hal koox oo marti loo ahaa halka ay 6 kooxood oo marti ahaa badiyeen.
Be the first to comment