Cesar Azpilicueta Oo Shaaciyay Sababtii Ka Dambaysay Guuldaradii Kooxdiisa Ka Soo Gaadhay Man City.

Cesar Azpilicueta ayaa qirtay in Chelsea aysan si fiican kubbada u haysan isla markaana ay samaysay ‘khaladaad aad u badan’ intii lagu jiray guuldaradii niyadjabka lahayd ee ka soo gaadhay Manchester City sabtidii.

Chelsea oo xilli ciyaareedka ku bilaabatay 4 guul iyo hal bar-baro 5-tii kulan ee ugu horeeyay xilli ciyaareedka ka hor inta ayna guuldaro kala kulamin kooxda Man City.

Azpilicueta ayaa qirtay in ay Man City ka fiicnayd kooxdiisa Waliba xiddigaha ay isku kooxda yihiin u sheegay in ay horumar sameeyaan.

“Waan ka niyad jabsanahay natiijada, maanu soo bandhigin qaab ciyaareedkeenii ugu fiicnaa”ayuu Azpilicueta u sheegay TV-ga chelsea.

“Gaar ahaan 60-kii daqiiqo ee ugu horeeyay waxa ay ahayd mid nagu adag, maanu abuurin fursado nagu filan, waxa aan si fudud u luminay kubada, way naga awood badnaayeen”.

“Maanu haysan kubada sidii aan u jeclayn si aan uga baxno cadaadiska, waxana aan samaynay khaladaad waaweyn marka laga hadlayo baaska iyo taabashada”ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sii Akhriso:Ma Dhacdaa In Uu Nin Kuu Yeedho “Quruxleyda”, Waliba Mar Walba Ma Adeegsadaa Kalmadaas, Hadaba Halkan Kaga Bogo Waxa Uu Uga Jeedo & Macnaha Ay Leedahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*