Ceebtood Maahee Waa Caadadood:Arsenal Oo Boodhka Ka jafatay Rikoodh Ay Horyaalka Ka Dhigtay 66 Sano Ka Hor.

Kooxda Arsenal ayaa guuldaro ceeb ka soo gaadhay kala kulantay Man City kulan ka dhacay Etihad kana tirsanaa horyaalka premier League.

Man City ayaa Arsenal ku xasuuqday 4/0 kulan dhinac kaliya ahaa waliba kooxda Arsenal si weyn ugu dhibaatootay in ay saamayn yeelato.

Kadib guuldaradaas kooxda Arsenal ayaa dhulka la dhigay lagana badiyay kulankii 3-aad oo xidhiidh ah horyaalka premier League xilli ciyaareedkan ahaana 3-dii kulan ee ugu dambeeyay xilli ciyaareedka.

Kooxda Arsenal ayaa boodhka ka jafatay rikoodh xun oo ay dhigtay xilli ciyaareedkii 1954/1955 markaas oo horyaalka aan la odhan jirin premier League laakiin lagu magacaabi jiray heerka 1-aad ee England.

Rikoodhkaas ayaa ah in Arsenal laga badiyay 3-dii kulan ee ugu horeeyay xilli ciyaareedka premier League markii ugu horaysay tan ilaa xilli ciyaareedkii 1954/1955.

Sii Akhriso: 10 Calaamad Ee Jacaylka Dhabta Ah Ee Ka Dhexeeay Laba Qof Ee Ku Baraysa Macanahay jacaylka Dhabta Ah Markii Ugu Horaysay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*