Ceebtood Maahee Waa Caadadood: Arsenal Oo Lagu Garaacayo Saxiixa Houssem Aouar

Kooxda Atletico Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhawdahay in ay Arsenal ku garaacdo saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Lyon ee Houssem Aouar Sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga reer France ayaa si weyn loola xidhiidhinayay Arsenal sanadihii ugu dambeeay gaar ahaan xagaagii iyo suuqii January ee ugu dambeeyay laakiin xiddiga ayaa iska sii joogay kooxdiisa.

Arsenal ayaa dib u soo cusboonaysiisay xiisaha xiddiga Houssem Aouar waxana la filayay in ay xagaagan u dhaqaaqdo saxiixiisa gaar ahaan marka loo eego in ay Lyon hoos u dhigtay qiimaha ay ku iibinayso xiddiga.

Si kasta ha ahaatee wargayska Le10sport ayaa sheegaya in ay Atletico Madrid haatan ku dhawdahay saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in uu Aouar doonayo in uu ka ciyaaro champions League xilli ciyaareedka dambe sidaas darteed uu isaga diiday in uu ku biiro kooxda Arsenal suuqa xagaagan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*