Ceebtiis Mahee Waa Caadadiis: Eden Hazard Oo Uu Dhaawac Cusub Soo Gaadhay Ka Hor Ka Tagiisa Kooxdiisii Hore Ee Chelsea.

Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Real Madrid ee Eden Hazard ayaa wajahaya dhaawac cusub oo ka soo gaadhay tababarkiisa ka soo kabsashada dhaawacii uu horay ugu maqnaa waxana uu seegay tababarkii Isniintii ee kooxda.

Xiddigii hore ee chelsea ayaa ku dhibaatoonaya dhaawacyo tan ilaa markii uu ku biiray chelsea sanadkii 2019 waxana uu dhaawac muruqa ah ku seegay 4-tii kulan ee ugu dambeeyay ee kooxda.

Tababare Zidane ayaa dhawaan sheegay in uu xiddigu taam u yahay in uu ku soo laabto kulanka ay Real Madrid la ciyaari doonto kooxdiisii hore ee chelsea inkasta oo uu seegay kulankii Getafe.

Haatan wargayska MARCA ayaa sheegaya in uu Hazard seegay tababarkii Los Blancos ee Isniintii kadib markii uu ku dhaawacmay tababarka ka soo kabsasada.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu shaki ku jiro taam ahaanshaha Hazard ee kulanka adag ee ay Real Madrid la ciyaari doonto kooxda chelsea Semi-final-ka champions League.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Maxaad Ku Jawaabi Hadii Gabadh Aad Ka Heshay Ku Waydiiso Da’daada?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*