Cavani Miyuu Saxiixayaa Hishiis Cusub , Tabbare Ole Gunner Ayaa Ka Jawaabay”

Tababare Ole Gunner ayaa hoosta ka xariiqay in wadahadalo furan uu kula jiro weeraryahankiisa Cavani oo ku aadan dhanka mustaqbalka laacibka ee Old Trafford

Cavani ayaa United u yimid xagaagii hore xilligaas oo uu qaab xor ah ugu yimid ka dib markii uu dhameystay hishiikiisa waxa uuna United u saxiixay hal sano .

” Wadahadallo furan ayaa inoo socda Cavani” ayuu kulan wareed ku yiri macalin Ole Gunner

” Sidaas oo ay tahay ma ogi waxa uu laacibka doonayo xilli ciyaareedka dambe , waxaan filayaa in uu Cavani u baahan yahay waqti uu go`aan ku qaato” ayuu yiri Ole Gunner

“Si wacan ayuu u shaqeynayaa Cavani gaar ahaan in jir ahaan uu diyaar ahaado” ayuu sii raaciyay Ole Gunner

United ayaa todobaadkaan kulan adag waxa ay la ciyaarayaan Tottenham kaasi oo ka tirsan wareegga 31-aaad ee horyaalka Ingiriiska

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Fariimo Jacayl Oo Aad Gacaliyahaaag Ku Dareensiin karto In Uu Boro Yahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*