Casharo Laga Bartay Guul-radadii Barcelona Ee Kulankii Cetafa , Barca Laba Dhib Ayaa Haysta Xilligaan

Barcelona ayaa xalay ka faa`ideysan hadiyadii guul darro ee Real Madrid waxa ayna ku hor kufeen Getafe oo hal gool ku garaacday ka dib kulkan ka tirsanaa wareegga 6-aad ee La Ligaha

Barcelona waxa ay Getafe kala kulmeeen iska caabin dhanka farsamada ah waxa ayna kooxdaas martida loo ahaa ku guuleysteen in ay xad u yeelaan halista weerar ee wiilasha Camp Nou

Hadaba wax yaabaha kulankaas laga bartay ayaa ah , in kulankii labaad ee iska xiga in kooxdaas ay ka muuqato dhibaato dhanka weerarka ah waliba ay sii wataan heer ciyaareed liita xilli ay ka hor tagayaan kooxo daafaca ahaan liita .

Waxaana arintaas u sabab ah kooxda oo aan haysan weeraryahan buuxa afka hore ah oo ay sii dheer tahay garbaha kooxda oo liita xilligaan

Qalad weyn ayay aheyd in Suarez la fasaxo , waxaase ka sii daran in aan la keenin badalkiisa , sidaa darteed Barcelona waa ay dhibaatooneysaa haddii weerar buuxa helin waxa ayna haatan ku qasban yihiin in marka suuqa uu furmo in Depay baacsigiisa ay dib ugu laabtaan

Sidoo kale ma aheyn in Dembele laga sugo in shaqo badan uu qabto waayo muddo ku dhaw 10 bil si asaasi ah uma ciyaarin waxaase ka sii daran sababta aan loo ciqaabeyn Griezmann kaasi oo marba marka ka sii dambeysa hoos u sii dhaadhacaya waa in boos uu qalma loo raadiyo haddii kale waa qasaaro daqiiqadaha uu ku soo bilaabanayo.

Messi weli xaalkiisa wacnaaa kuma soo laaban waxa uuna u muuqdaa mid ku soo koobmay kaliya ka faa`ideysa hubka Free Kick-yada .

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*