Casemiro Oo Ku Digtay Barcelona Kadib Bar-Barihii Real Madrid Ee Elche.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Casemiro ayaa ku digtay kooxda Barcelona kadib bar-barihii ay kooxda Real Madrid la gashay Elche.

Kooxda Real Madrid ayaa iska lumisay fursad ay hogaanka ula qaban lahayd Atletico Madrid kadib bar-barihii ay la gashay kooxda Elche.

Real Madrid ayaa rikoodhe lagu dhigay kadib markii uu Dani Carvajal khalad ku galay xiddiga Elche ah waxana uu Casemiro ku digtay kooxda Barcelona.

Isaga oo arintaas ka hadlaya VAR oo rikoodhada dhigtay ayuu Casemiro yidhi” VAR? Waxa aan arintaas uga tagayaa in ay dadka kale ka hadlaan, arimahaas waxa caan ku ah Barcelona iyo Tababarohooda Ronald Koeman”.

Hadalka Casemiro ayaa imanaya kadib markii qaar ka mid ah xiddigaha Barcelona iyo Ronald Koeman dhawr mar cabasho ka muujiyeen VAR iyo garsoorayaasha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*