Casemiro Oo Kashifay Xiddigii Sababta U Ahaa Guushii Ay Real Madrid Ka Gaadhay Huesca, Ma Ahan Varane.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Real Madrid ee Casemiro ayaa sheegay xiddigii sababta u ahaa in ay kooxda Real Madrid guusha soo laabashada leh ka gaadho kooxda Huesca horyaalka La Liga.

Casemiro ayaa sheegay in Goolhayaha Thibaut Courtois sabab u ahaa Guushii soo laabashada lahayd ee ay Real madrid ka gaadhay kooxda Huesca.

Kooxda Real Madrid ayaa guul 2/1 ah oo soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Hueca kulan ka tirsanaa todobaadkii 22-aad ee horyaalka La Liga.

Casemiro oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan ka badinay Hesca sababta oo ah waxa aan dagaalanay bilowgii ilaa dhamaadkii ciyaarta”.

“Goolhaye Thibaut Courtois ayaa smaeeyay badbaadino cajiib ah isaga ayaana fure iyo sabab u ahaa gushii aan ka gaadhnay kooxda Huesca”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*