Casemiro Oo Dhaxli Kara Varane, Bale Oo Qaadan Doona Lambar Cusub & Los Blancos Oo Shaacinaysa Lambarada Xilli Ciyaareedka Cusub

Kooxda Real Madrid ayaan wali la dhamaystirin iyada oo uu Carlo Ancelotti kooxda ku haysto 27 xiddig lana filayo in ay xiddigo cusub ka tagaan kooxda kadib bixitaankii Raphael Varne maadama la doonayo 25 xiddig.

Lambarada ay xiddiguhu xidhan doonaan xilli ciyaareedka cusub ayaan wali la go’aamin iyada oo xiddigaha ku soo laabtay kooxda ee ka yimid amaahda sida Jesus Vallejo, Dani Ceballos, Martin Odegaard, Gareth Bale, Luka Jovic & Take Kubo aan la siin Lambaradooda xilli ciyaareedka cusub.

Kaliya David Alaba ayaa la siiyay Lambar isaga oo xidhan doona Lambarkii uu Sergio Ramos ka tagay ee No.4 waxana loo tartami doonaa Lambarka Varane ee No.5.

Xiddiga Casemiro ayaa la filayaa in uu qaato No.5 maadama la filayo in uu qaato masuuliyad dhanka daafaca ah kadib bixintaankii Ramos iyo Varane xiddiga reer Brazil ayaana ugu cad-cad in uu qaato Lambarkaas.

Arinta kale ee xalka u baahan ayaa sidoo kale ah Bale iyo Lambarkiisa maadama uu xiddigu horay kooxda uu soo xidhay No.11 laakiin uu Marco Asensio haatan qaato Lambarkaas kadib markii uu Bale uga baxay kooxda amaahda.

Taas ayaa la macno ah in uu Xidhan doono Lambar cusub waxana u banaan 16, 18, 21 iyo Lambarka la filayo in uu Casemiro Baneeyo ee 15.

Sii Akhriso: Ma Doonaysaa In Uu Jacaylkaagu Waligiis Jiro Oo Aad Is Jeclaataan Inta Aad Adduunka Joogtaan, 8-dan Sir Ayaa Ku Caawin karta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*