Casemiro: Halkan Arin Ayaa Naga Caawinaysa In Aan Garaacno Man City

Casemiro ayaa sheegay in ku ciyaarista garoomada madhan kulanka Man City ee champions League in ay kooxdiisa ku hogaamin doonto in ay garaacdo Man City kulanka lugta 2-aad ee wareega 16-ka champions League.

Kooxda Real Madrid ayaa kulanka galaysa iyaga oo 2/1 kaga dambeeya Man City kulan ay u baahanyihiin in ay 1/0 ku badiyeen si ay u soo baxaan.

“Marka ayna taageerayaashu joogin garoonka waa ciyaar ka duwan marka ay joogaan”ayuu Casemiro u sheegay Esporte Interactivo.

“Waxa uu noqon doonaa kulan adag oo labada kooxood ah, laakiin waxa aan nahay Real Madrid waana aan ognahay in aan fursad u haysano in aan u soo baxno warega xiga”.

“Taageerayashooda ma haysan doonaan sidaas darteed arintaas ayaa faa’iido noo ah”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*