Carragher Oo Ku Digtay Neville Kadib Markii ay Liverpool Kooxda Man United Ka Qaaday Kooxda Ugu Koobabka Badan England.

Halyeeyga Kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa ku digtay Halyeeyga kooxda Man United ee Gary Neville Kadib markii ay Liverpool Kooxda Man United ka qaaday kooxda ugu Guulaysiga Badan England koobabka Waaweyn.

Jamie Carragher ayaa Ku guulaysigii Liverpool ee UEFA Super Cup-ka u Isticmaalay in uu ku digto xiddigii hore ee kooxda Man United ee Gary Neville.

Labada Halyeey oo ka wada shaqeeya Sky Sport ayuu xafiiltan weyn ka dhexeeyaa xitaa hadii ay ka fadhiisteen ciyaaraha kubada cagta.

Kadib markii ay Reds rikoodhayaal kaga qaaday chelsea Finalkii UEFA Super Cup Carragher ayaa lahaa qosolka Dambe.

Liverpool ayaa ku guulaystay 43 koob iyaga oo ka qaaday ku guulaysiga Man United ee 42 koob.

Advertisements

Carragher ayaa bogiisa Twitter-kaku share gareeyay qoraal sheegaya in ay kooxda Liverpool noqotay kooxda ugu koobka badan.

“Liverpool waxa ay ku guulaystay 43 koob, kooxda ugu koobabka badan taariikhda England, wakhti dheer naguma qaadan in aan ku soo laabano booskeena”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*