Carlos Teves Oo Soo Doortay Shaxdiisa Ugu Fiican Ee Xiddigihii Uu Ka Soo Garab Ciyaaray.

Carlos Tevez ayaa door muhiim ah ka ciyaaray Manchester United xilli ciyaareedkii 2007-08, taas oo ay ku guuleysteen Premier League iyo Champions League.

Weeraryahanka ayaa dhaliyay 19 gool 48 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan iyaga oo chelsea ku garaacay Final-ka champions League.

Waxa uu lamaane weerar oo cajiib ah la sameeyay Cristiano Ronaldo iyo Wayne Rooney, kahor inta uusan la safan Dimitar Berbatov garoonka Old Trafford sanadkii xigay.

Laakiin wakhtigiisii United ayaa si xun ku soo dhamaaday kadib markii uu si lama filaan ah ugu biiray kooxda ay United magaalada ku xafiiltamaan ee Man City isaga oo si xor ah ugu biiray.

Man United ayaa ogolaatay in ay bixiso 25 milyan oo euro si ay labadii sano ee heshiiskiisa amaahda ahaa uga dhigto mid toos ah laakiin xiddiga ayaa doortay in uu ku biiro Man City.

Inkasta oo uu noqday cadawga 1-aad ee Man United hadana xiddiga ayaa wali jacayl u qaba Old Trafford iyo kooxda Man United.

Waxa dhawaan la waydiiyay in uu shax ka sameeyo xiddigiii ugu fiicnaa ee uu ka soo garab ciyaaray waxana ka buuxa xiddigo Man United ah.

“Hadii aan ciyaaraha ka fadhiisto oo aan diyaarsado kulan macasalaamayn ah kooxdaydu waxa ay noqon lahayd”…

“Gianluigi Buffon, Hugo Ibarra, Rio Ferdinand, Gabriel Heinze & Patrice Evra oo daafaca ah”.

“Paul Scholes, Andrea Pirlo, Paul Pogba Khadka dhexe”.

“Cristiano Ronaldo, Lionel Messi & Wayne Rooney weerarka”.

“Anigu kaydka ayaan gali lahaa”.

Sii Akhriso: Madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo Oo Fariin U Diray Madaxweynaha & Madaxweye Ku Xigeenka Loo Doortay Hirshabelle

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*