Carlo Ancelotti Oo Shaaca Ka Qaaday Qorshaha Eden Hazard Ee Mustaqbalkiisa Real Madrid, Maxaa Cusub?

Carlo Ancelotti ayaa daaha ka qaaday in Eden Hazard uu doonayo inuu iska diido xiisaha u imanaya suuqa xagaaga si uu u sii joogo kooxda Real Madrid iyada oo xiddiga garabka ciyaara doonayo in uu qiimihiisa u muujiyo Real Madrid.

Xiddiga reer Belguim ayaa ku dhibtoonayay inuu saameyn ku yeesho Real Madrid tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda reer Spain isaga oo kaliya dhaliyay 6 gool 65 kulan oo uu u ciyaaray tartamada oo dhan.

Hazard ayaa dhaawacyo la dhibaatoonaya xilli ciyaareedkan isaga oo haatan ka dambeeya xiddiga Vinicius Junior garabka weerarka ee kooxda Real Madrid.

Mar wax laga weydiiyay mustaqbalka Hazard sabtidii, Ancelotti wuxuu ku jawaabay: ‘Qorshihiisa aad ayuu u cad yahay: wuu sii joogayaa, wuxuuna sidaas ku sameynayaa dhiirogelin badan sababtoo ah wuxuu soo qaatay waqti adag sanadihii ugu dambeeyay”.

“Waxa uu doonayaa in uu muujiyo tayadiisa. Qorshaha Hazard waa mid cad. Waxa uu sii joogi doonaa sanadka soo socda”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*