Carlo Ancelotti Oo Magacaabay Kooxaha Ku Tartami Doona Horyaalka La Liga Xilli Ciyaareedkan

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa magacaabay kooxaha xilli ciyaareedkan horyaalka La Liga kula tartami doona kooxdiisa.

Real Madrid ayaa sidii ugu fiicnayd ku bilaabatay xilli ciyaareedkooda La Liga iyaga oo dhamaan wada badiyay 6-dii kulan ee ay ciyaarta ilaa haatan.

Los Blancos ayaa hogaanka u haysa Horyaalka La Liga iyaga oo 2 dhibcood ka horeeya kooxda Barcelona kuwaas oo laftoodu wacdaro dhigaya.

Tababare Carlo Ancelotti ayaa sheegay in uu tartanku ka dhexeeyo kooxaha Barcelona, Real Madrid iyo Atletico Madrid.

Carlo Ancelotti oo ka hadlaya kooxaha ku tartamya horyaalka ayaa yidhi”Barcelona waxa ay qabanaysaa shaqo fiican sidoo kale Real Madrid”.

“Atletico Madrid kuma jirto qaab fiican laakiin waa xilli ciyaareed la yaab leh ma garan karno waxa dhici doona kadib koobka adduunka, waxa haatan ku dhacay Atletico way nagu dhici karaan sidoo kale waxa ay ku dhici karaan Barcelona kadib koobka adduunka”.

“Waxa uu noqon doonaa horyaal ka adag sanadihii hore”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*