Carlo Ancelotti Oo La Xidhiidhay Xiddig Uu Horay U Soo Tababaray Si Uu Mar Kale Ugula Shaqeeyo Real Madrid.

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa lagu soo waramayaa in uu la xidhiidhay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Everton ee Richarlison si uu ugala hadlo u dhaqaaqistiisa kooxda Real Madrid.

Shabakada Goal ayaa sheegaysa in uu tababarihii hore ee kooxda Everton doonaya in uu weerar suuqa ah ku qaado kooxdiisii hore kana qaato xiddiga reer Brazil inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Isla shabakada ayaa sheegaysa in ay kooxda Real Madrid dhawaan dalab Rasmi ah ka gudbin doonto saxiixa xiddiga Richarlison iyada oo uu Ancelotti doonayo in uu dib u dhis ku sameeyo kooxda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Richarlison ayaa haatan xulka qarankiisa Brazil u matalaya tartanka Copa America isaga oo xulkiisa la gaadhay final-ka tartanka kana hor tagi doona xulka Argentina Axada soo socota.

Tababare Ancelotti ayaa Richarlison u arka badalka mustaqbalka fog ee xiddiga Karim Benzema kaas oo xilli ciyaareedkii hore kaligiis dhabarka ku waday kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*