
Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa Kashifay in uu ku ciyaari doono shaxda 4-3-3 kulanka final-ka tartanka champions league ay la ciyaari doonaan liverpool.
Tababaraha Reer Italy ayaa isha ku haya ku guulaysiga champions League 2-aad kadib markii uu sanadkii 2014 kula guulaystay kooxda koobka champions League.
Ancelotti ayaa ka hor iman doona Liverpool final-ka champions League markii 3-aad ee xirfadiisa tababaranimo marka ay 28 bishan wada ciyaari doonaan kooxaha Liverpool iyo Real Madrid.
Markii la waydiiyay shaxda uu ku ciyaari doono Final-ka ayuu Ancelotti u sheegay AS “4-3-3 Ayaan ku ciyaari karnaa”.
Ancelotti ayaa Real Madrid ku hogaamiyay horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan waxana isha ku hayaa in uu koobkii 2-aad ku hogaamiyo kooxdiisa xilli ciyaareedkan.
Vini JR. K.benzema valverde
T.kroos. L.modric
Casemiro
Mendy. Alaba. E.militao. carvajal
Courtous
Shaxda uu kusoo galayaa waa taa way uska cadahay
Insha allah