Carlo Ancelotti Oo Ka Hadlay Xaalada Karim Benzema Kadib Dhaawacii Kulankii Celtic.

Tababaraha kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa fariin niyad dajin ah u diray taageerayaasha Real Madrid kadib dhaawacii soo gaadhay xidigooda Karim Benzema kaas oo dhaawac uga baxay kulankii Celtic ee champions League.

Xiddiga reer France ee Benzema ayaa dhaawacmay ka dib 30-kii daqiiqo markii ay ciyaartu socotay iyada oo lagu badalay xiddiga Eden Hazard.

Ancelotti oo ka hadlaya dhaawaca Benzema ayaa yidhi”Dhaawaca uma eka mid walwal leh, laakiin waa inaan sugno baaritaanada dhici doona, baaritaanka ugu horeeya ma muujin dhaawac halis ah laakiin waa in aan sugno”.

Weli lama garanayo inuu dhaawacu muruqa yahay iyo in kaale sidaas darteed waa in aan sugno baadhitaanka buuxa”.

Dhaawaca Benzema ayaa dhirbaaxo ku ah Real Madrid marka la eego in uu Benzema yahay xiddig laf dhabar u ah Real Madrid isla markaas ayna ka maarmi karin hadii uu muddo dhaawac uga maqnaado.