Carlo Ancelotti Oo Hadlay Mustaqbalka Eden Hazard, Maxaa Cusub?

Waxaa jiray warar xan ah oo sheegaya in Eden Hazard uu ka tagayo Real Madrid ka dib markii tababare Carlo Ancelotti uu kursiga keydka dhigay ciyaaraha inkasta oo uu xiddigun taam u yahay in uu ciyaaro kulamada.

Si kastaba ha ahaatee, Ancelotti ayaa beeniyay wararkaas: “Hazard waxa uu ku jiraa qorshayaashayada xilli ciyaareedka soo socda, waan xaqiijin karaa”ayuu yidhi tababaruhu.

Hazard ayaa dhawaan lala xidhiidhinayay in uu isaga tagayo kooxda Real Madrid iyada oo kooxdiisu xitaa aqbashay dalab uga yimid kooxda Newcastle United laakiin uu xiddigu iska diiday.

Eden Hazard ayaa dhawaan dhaliyay gool kulankii ay Los Blancos guusha ka gaadhay kooxda Elche kulan ka tirsanaa tartanka Copa del Rey-ga isaga oo badal ku soo galay.