Carlo Ancelotti Oo Go’aamiyay Xiddiga Ugu Horeeya Ee Uu Ka Dirayo Kooxdiisa Xagaagan.

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa go’aamiyay xiddiga ugu horeeya ee ka tagi doona kooxdiisa suuqa kala iibsiga xagaagan.

Ancelotti ayaa tababare u noqday kooxda Real Madrid todobaadkii hore kadib markii uu Zinedine Zidane ka tagay kooxda Real madrid kadib 2 sano iyo badh uu hogaaminayay kooxda.

Sida laga soo xigtay Onda Cero Tababare Ancelloti ayaa go’aansaday in uu iska fasaxo xiddiga daafaca Midig ka ciyaara ee Álvaro Odriozola inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Isla Idaacada ayaa sheegaysa in uu Ancelotti doonayo in uu daafaca Midig u adeegsado xiddigaha Dani Carvajal iyo Lucas Vazquez xilli ciyaareedka dambe.

Álvaro Odriozola ayaa ku soo biiray Real Madrid xagaagii 2018 isaga oo 30 milyan ugaga soo biiray kooxda Real Sociedad waxana uu ku dhibaatooday in uu boos ka helo kooxda Los Blancos.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*