Carlo Ancelotti Oo Dhigay Dhigay Rikoodh Ka Fiican Midkii Uu Horay Uga Dhigay Real Madrid.

Bar-Barihii ay Real Madrid la gashay Villarreal Sabtidii ayaa ahayd mid niyad jab leh laakiin hadii la eego sawirka weyn waxa ay muujinaysaa in uu tababaruhu horumar sameeyay marka loo bar-bar dhigo bilowgiisii hore ee Real Madrid.

Ancelotti ayaa kooxda Real Madrid ku hogaamiyay 5 guul iyo 2 bar-baro bilowga xilli ciyaareedka waana mid ka fiican markii hore ee uu hogaamiyay kooxda xilli ciyaareedkii 2013/2014 markaas oo uu Real Madrid ku hogaamiyay 5 guul iyo hal bar-baro.

Xilli ciyaareedkaas Atletico Madrid ayaa ahayd kooxdii jabisay rikoodhka guulaha ee Real Madrid, xilli ciyaareedkii 2014/2015 ayaa ahayd xilli ciyaareedkii ugu xumaa ee bilowda Ancelotti ee Real Madrid isaga oo kooxda la gaadhay 5 guul iyo 2 guuldaro.

Xilli ciyaareedkan ayaa sidoo kale ah midkii ugu fiicanaa ee Real Madrid horyaalka 11 xilli ciyaareed tan ilaa 2011/2012 markii uu Jose Mourinho 17 dhibcood ku hogaamiyay kooxda 21 suurtagal ah.

Kooxda Real Madrid ayaa ka mid ah 3 kooxood oo ilaa haatan bilaa guuldaro ah horyaalka La Liga sidoo kale waxa ay la mid yihiin kooxaha Sevilla, Villarreal iyo Barcelona.

Sii Akhriso: Gabadheey, Ma Doonaysaa In Aad Guul Ka Gaadho Nolosha Guurka, Ma Doonaysaa In Aad Farxad Kula Noolaato Gacaliyahaaga, Iska Ilaali In Aad Ogolaato Guurka 6 Nooc Ee Ragga Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*