Carlo Ancelotti Oo Calaamadsaday Badalka Sergio Ramos, Waa Xiddig Uu Horay Ula Soo Shaqeeyay.

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa bilaabay raadinta badalka Sergio Ramos oo isaga tagay kooxda Los Blancos kadib 16 sano oo uu hogaaminayay kooxda.

Daafaca dhexe ee Sergio Ramos ayaa khamiistii ku dhawaaqay in uu isaga tagayo kooxda Real Madrid kadib markii uu heshiis cusub la gaadhi waayay kooxda.

Tababare Carlo Ancelotti ayaa Maamulka Kooxdiisa u sheegay in uu doonayo in loo keeno badalka Sergio Ramos kaas oo kooxda isaga tagay kadib markii uu heshiis cusub la gaadhi waayay.

Wargayska MARCA ayaa sheegaya in uu tababare Carlo Ancelotti maamulka kooxdiisa u sheegay in uu doonayo daafaca dhexe ee kooxda Napoli ee Kalidou Koulibaly kaas oo uu u arko badalka Sergio Ramos.

Kalidou Koulibaly ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda Napoli waxana uu doonayaa in uu keeno kooxdiisa kadib markii uu horay ugala soo shaqeeyay kooxda Napoli markii uu tababaraha u ahaa kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*