Shaxda Dabka Ah Ee Ay PSG Ku Ciyaari Doonta Xilli Ciyaareedka Cusub “MNM” Ayaa Hogaaminaya.

Kooxda PSG ayaa dhistay koox laga cabsanayo kadib markii ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Lionel Messi kaas oo ay qaab xor ah kula soo wareegtay kadib markii uu dhacay heshiiskiisii Barcelona.

Sidoo kale waxa kooxda yimid xiddigaa Georginio Wijnaldum, Sergio Ramos & Gianluigi Donnarumma kuwaas oo ay qaab xor ah ku keeneen kadib markii ay dheceen heshiisyada ay kula joogeen kooxohooda.

Xiddiga kaliya ee ay lacagta ka bixiyaan ayaa ah xiddiga daafaca ka ciyaara ee Achraf Hakimi kaas oo 60 milyan kaga soo biiray kooxda Inter Milan kaas oo durba saamayn ku yeeshay dhankiisa.

Kadib markii ay heleen xiddigahan waa weyn PSG ayaa la filayaa in ay ku tartano champions League xilli ciyaareedka cusub kadib markii ay labadii sano ee ugu dambeeyay ku fashilmeen meelo fog oo tartanka ah.

Xiddigaha Messi, Neymar iyo Mbappe ayaa la filayaa in ay xilli ciyaareedka dambe wada dhisaan saddexley halis ah oo cabis galin doonta daafac walba oo ay ka hor iman doonaan.

Hadaba wargayska MailOnline ayaa soo saaray sida ay noqon karto shaxda kooxda PSG kadib markii ay PS soo xidhatay suuqeeda xagaagan

Sii Akhriso: Ma Jiraa Qof Aad Jeceshahay Laakiin Aad Khalad Ka Gashay, Ma Doonysaa In Ay Ku Cafiso Ama Uu Ku Cafiyo, Fariintan Cajiibka Ah Ayaa Kaaga Filan

Lionel Messi: How PSG signing will impact Mauricio Pochettino's starting  lineup this season | Daily Mail Online

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*