Caqabadaha Oo Barcelona Ka Xigta Riyadooda Ku Guulaysiga Champions League.

Kooxda Barcelona ayaa maanta ogaatay wadada ay u mari karto finalka tartanka champions League xilli ciyaareedkan kadib markii la sameeyay isku aadka.

Kooxda tababare Quique Setien ayaa wali u baahan in ay dhaafto kooxda Napoli lugta 2-aad ee ka dhici doonta Camp Nou laakiin kooxaha ay la ciyaari doonaan wixii intaas ka dambeeya ayaa la shaaciyay.

Hadii ay Barcelona dhaafto Napoli waxa ay u badantahay in ay la ciyaarto kooxda Bayern Munich quarter-final tartanka champions League.

Bayern Munich ayaa 3/0 ku soo gaarcday Chelsea lugtii 1-aad ee ka dhacday garoonka Stamford Bridge.

Barcelona ayaa ka war qabta halista Robert Lewandowski kaas oo haatanba dhaliyay 11 gool champions League xilli ciyaareedkan iyo waliba xiddigeedii hore ee Thiago.

hadii ay Barcelona dhaafto Bayern Munich ama chelsea kadib Semi-finalka waxa ay ku aadi kartaa Real Madrid.

Real Madrid ayaa dhankeeda wali u baahan in ay dhaafto Man City hadii ay doonayaan in ay gaadhaan Quarter Finla-ka waxana ay midkood la ciyaari kartaa Juventus ama Lyon.

Taas ayaa la macno ah in ay Barcelona iyo Lionel Messi ka hor tagi karaan Juventus iyo Cristiano Ronaldo wareega Semi-final-ka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*