Calvert-Lewin, Saka, Gundogan, Umtiti, Nunez, Pogba, Raphinha, Mbappe & Wararkii Ugu Dambeeyay EE Suuqa Kala Iibaiga.

Waxa lagu jiraa dhamaadka xilli ciyaareedka 2021/2022 kooxaha kala duwan ee reer yurub ayaana haatanba bilaabay qorshohooda suuqa kala iibisga xagaaga.

Kooxaha kaal duwan ayaa haatanba bilaabi kara in ay la saxiixdaan xiddigaha ay doonayaan inkasta oo uuna wali si Rasmi ah u furmin suuqa kala iibsigu.

Hadaba kooxda.com ayaa si maalinle ah idiinku soo bandhigi doonta wararka suuqa kala iibsiga iyo xiddigaha lala xidhiidhinayo kooxdaada.

Xiddiga weerarka uga ciyaara Everton ee Dominic Calvert-Lewin ee lala xidhiidhinayo Arsenal ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda Everton xagaaga (Football Insider).

Weeraryahanka Kylian Mbappe ayaa heshiis la gaadhay kooxaha PSG iyo Real Madrid xiddiga reer France ayaana haatan gaadho doona go’aanka ugu dambeeya ee mustaqbalkiisa (Goal).

Xiddiga weerarka uga ciyaara Arsenal ee Bukayo Saka ayaa Maamulka Kooxdiisa ka codsaday in heshiiskiisa cusub lagu daro lacag lagu bur-burin karo heshiiskiisa si uu kooxda ugu saxiixo heshiis cusub (Metro).

Kooxda Real Madrid ayaa doonaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man City ee Ilkay Gundogan (Marca).

Si kasta ha ahaatee tababaraha kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa doonaya in uu sii haysto xiddiga Ilkay Gundogan (Goal).

Kooxda Arsenal ayaa loo soo bandhigay saxiixa xiddiga daafaca uga ciyaara Barcelona ee Samuel Umtiti (Sport).

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Paul Pogba ayaa midkood ku biiri doona kooxaha PSG ama Juventus xagaaga (Eurosport).

Kooxda Man United ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Leeds United ee Raphinha (Telegraph).

Kooxda Barcelona ayaa kooxda Bayern Munich ka doonaysa xiddiga garabka uga ciyaara ee Serge Gnabry (Radio Catalunya).

Kooxda Juventus ayaa Arsenal ku riixaysa in ay aqbasho xiddigaha Artur Ama Weston McKennie si ay Dhankooda uga helaan daafaca dhexe ee Gabriel Magalhaes (Tuttosport).

Kooxda Liverpool ayaa doonaysa saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Benfica ee Darwin Nunez (Melissa Reddy).

Xiisaha Liverpool ee xiddiga Darwin Nunez ayaa imanaya kadib markii uu iska diiday kooxda Man United (Mail).