Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay ka fiirsaneyso inay qandaraas cusub ka saxiixato weeraryahankeeda khibrada leh ee Robert Lewandowski.
Lewandowski heshiiska uu hadda kula jiro kooxda reer Catalonia ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan, waxaana jiray warar xoogan oo sheegaya in xiddiga heerka caalami ee dalka Poland uu beeca xorta ah kaga tagi doono.
Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay ESPN, 37 jirkaan ayaa la siin karaa fursad uu ku sii joogo Camp Nou xilli ciyaareed kale, waase haddii uu diyaar u yahay inuu aqbalo qandaraas dhimis ah.
Barcelona lama sheegin inay la hadashay Lewandowski heshiis cusub xilligan, laakiin wadahadallo ayaa la qorsheynayaa.
Yaraynta mushaharka weeraryahanka ayaa abuuri doonta fursad ay ku sameyso saxiixyo cusub xagaagan, iyadoo kooxdu ay wajahayso go’aan marka ay timaado heshiis joogto ah oo ay kula soo wareegayso weeraryahanka amaahda ku jooga Manchester United Marcus Rashford.
Kooxda reer Catalan ayaa sidoo kale qorsheyneysa inay u dhaqaaqdo daafac dhexe oo cusub xagaagan, iyadoo la filayo in Alessandro Bastoni oo u ciyaara Inter Milan uu bartilmaameed u yahay.
Lewandowski ayaa dhaliyay 12 gool isla markaana diiwaan geliyay saddex caawin 27 kulan oo uu u saftay Barcelona intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2025-26, oo ay ku jiraan sagaal gool iyo laba caawin 17 kulan oo uu ciyaaray La Liga.
Weeraryahanka dhexe ayaa Camp Nou uga soo wareegay Bayern Munich xagaagii 2022, wuxuuna kooxda Catalan u matalay 174 jeer, isagoo dhaliyay 113 gool isla markaana diiwaan galiyay 23 caawin, waxaana loo badnayaa in Barca dooneysa in hishiis cusub hor dhito balse dib loogu laabto dhanka mushaarka.
Be the first to comment