Cadez Oo Sii Murjisay Xaaladda Barcelona , Bar-bar Dhac Ayay Ku Soo Qabteen

Barcelona aya ku fashilantay  in natiijo wacan kala soo laabtaan Cadez waxaana lag qasbay bar bar dhac bilaa goolal ah xilli 10 ciyaartooy ay ku dhameysten

Sheekada ciyaarta : Labada koox ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac bilaa goolal ah xilli Barca kubadda haysteen maamulkeeda

Barcelona waxa ay qeybtaas ka sheegteen in ay ka maqneyd hindisa abuurista oo kubad haysasho bilaa faa`ido ah ayay ku dhameeyen qeybtii hore

Barca waa ku adkeyd in fursad ku abuuraan goosha Cadez kuwaasi oo daafac ku jiray kuna tiirsanaa kubadsha rogaal celiska ah

Kooxda Camp Nou ka dhisan waxaa ku adkaaa in kubadda si fog u gaarsiiyaan gudaha fog garoonka waxaana lagu nastay bilaa goolal .

Biloowgii soo laabashadii Barca xoogaa wa ay wacneyd kubadana waa ay geeynayeen goosha Cadez xilli daqiiqadii 51-aad kubad laad aheyd uu goolhayaha Cadez ka bad baadiyay Depay .

Barca waa daadaaleysay balse daafaca Cadez ayaa wacnaa kuwaasi oo rogaal celis uun maciin bidayay waxaana xusid mudan in Barac soo laabashadii horay u soo giliyeen Sergi Roberto oo loo saaray Yusug Damir

Barca waxaa daqiiqadii 65-aad kaarka cas laga siiyay De Jong ka dib markii kaarka labaad ee dign iinta loo taagay wax auuan maclinka ka dib soo giliyay Countinho oo loo badalay Luuk de Jong

Ka dib ciyaarta wa degtay mana jirrin kubad dhaq dhaqaaqeysa xilli barac sidoo kale daqiiqadii 73-aad soo giliyeen Gonzales oo lo saaray Gavira , waxaana xusid mudan in Barca qeybta labaad ay ka wacneyd tii hore

Cadez oo rogaal celiska ku wacneyd waxaa daqiiqadi 82-aad gool cajiib noqon lahaa ka bad baadiyay goolhayaha Barcelona , waxa ayna Barac daqiiqadii 80-aad soo giliyeen Puig oo loo saaray Dest

Waqtigii geerida labada dhinac fursado xaqiiq ah ayay isku cuneen waxaana ugu darnaa Depay oo Barca qasaariyay kulankaan waxaana lagu kala baxay bar bar dhac bilaa goolal  ah /

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*