Cadayn Muujinaysa In Uu David Alaba Ku Biiray Real Madrid Oo la Helay, Xiddig Ayaa Afkiisa Ka Xaqiijiyay.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Joshua Kimmich ayaa u muuqda mid xaqiijiyay in uu David Alaba ku biiray kooxda Real Madrid.

Xiddiga reer Austria ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxda Real Madrid xilli uu heshiiskiisa Bayern Munich dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

“Wax walba ayuu kula guulaystay Bayern Munich”ayuu Joshua Kimmich Yidhi isaga oo ka hadlaya xirfada Alaba ee Bayern.

“Waxa aan shaki la’aan odhan karaa in ay Real Madrid tahay koox la Ixtiraamo”.

“Ma jirto meelo badan oo aad tagi kartid kadib Bayern Munich laakiin Real Madrid ma ahan dookh xun”ayuu sii raaciyay.

Qirashada Joshua Kimmich ayaa imanaysa xilli ay soo baxayaan warar sheegaya in uu David Alaba heshiis 4 ilaa 5 sano ah u saxiixay kooxda Real Madrid haatana la sugayo dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 4 Sifo Oo Cajiib Ah Oo Ay Dumarku Leeyihiin Oo Uuna Ninku Iska Caabin Karin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*