
Kooxda chelsea ayaa guul ay u qalmeen ka gaadhay Atletico Madrid kulan ka tirsanaa lugta 1-aad ee wareega 16-ka champions League.
Gool uu daliyay xiddiga Olivier Giroud ayaa Blues ka caawiyay in ay hal lug la gasho wareega 8 dhamaadka tartanka champions League.
Guushii ay chelsea ka gaadhay Atletico Madrid ayaa ahaa kulankii 14-aad ee ay chelsea badisay lugta 1-aad ee wareega bug baxa ee tartamada yurub.
Arinta bushaarada u ah chelsea ayaa ah in 13 ka mid ah 14-kii kulan ee ay badisay lugta hore in ay u gudubtay wareega xiga ee tartanka ay ciyaarayso ee yurub.
Be the first to comment