Bukayo Saka Oo Noqday Xiddiga Ugu Mushaharka Badan Arsenal.

Garabka Arsenal, Bukayo Saka, ayaa noqday ciyaaryahanka ugu mushaarka badan kooxda kadib qandaraaskiisa cusub.

Sida ay sheegtay BBC, dhammaan heshiisyadii rasmiga ahaa ayaa la soo gabagabeeyay, iyadoo labada dhinac ay ku heshiiyeen qandaraas shan sano ah.

Heshiiskan cusub ayaa Saka ka dhigi doona inuu qaato ku dhawaad £300,000 todobaadkii isagoo ka tirsan Gunners-ka.

Qandaraaskiisii hore wuxuu ku ekaa xagaaga soo socda, balse Arsenal ayaa si degdeg ah ugu dhaqaaqday inay 24-jirka ku xajisato kooxda.

Warkan ayaa dhiirrigelin weyn u ah tababare Mikel Arteta, maadaama kooxdiisu ay ku loolameyso afar tartan si ay u hanato koobab markii ugu horreysay tan iyo 2020.

Saka ayaa xilli ciyaareedkan dhaliyay toddoba gool 33 kulan oo uu saftay.

Wuxuu ku biiray ciyaartoyda sida Gabriel Magalhaes, William Saliba iyo Ethan Nwaneri, kuwaas oo sidoo kale mustaqbalkooda u hibeeyay Arsenal.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga