Bukayo Saka Oo Loo Sheegay In Uu Ku Biiro Man City, Sabab.

Xiddiga kooxda Arsenal ee Bukayo Saka ayaa loo sheegay in uu Arsenal ku qasbo in uu ku biiro kooxda Man City isagana tago kooxda ku ciyaarta Emirates.

Saka ayaa ka mid noqday xiddigaha ugu fiican England iyo waliba xiddig laf dhabar u ah kooxda Mikel Arteta ee Arsenal tan ilaa markii uu ka soo baxay Akademiyada sanadkii 2019.

Bukayo Saka ayaa ku dhawaaday in uu Arsenal ka caawiyo u soo bixista champions League xilli ciyaareedkii hore isaga oo dhaliyay 11 gool 7 kalena caawiye ka noqday.

Goolhayihii hore ee xulka England David James ayaa xiddiga da’yarka ah u sheegay in uu u dhaqaaqo Man City maadama ku biirista kooxda Pep Guardiola tahay waxa ugu fiican xiddiga.

“Waan jeclahay waxa uu Mikel Arteta ka sameynayo Arsenal, Bukayo Sakana qayb weyn ayuu ka yahay, si kastaba ha ahaatee, waan fahmi karaa sababta ay ciyaartoydu u doonayaan inay dhaqaaqaan”ayuu James u sheegay GGrecon.

“Mararka qaar waxaad isku aragtaa xaalad aad joogtay koox muddo, xitaa hadii arrimuhu is badalaan aad wali adiguna u baahanahay isbeddel”.

“Haddii ay jirto fursad uu Saka ugu wareegi karo Man City waa in uu ka faa’iidaysto oo uu ku biiro sababta oo ah waxa uu ku biirayaa kooxda ugu fiican England”.

“Arsenal hadda waa kooxda ugu fiican England sabab la xidhiidha booska ay kaga jirto horyaalka Laakiin waxa iska cad in ay Man City dhawaan la wareegi doonto booskaas”.