Bukayo Saka Oo Isku Qoray Taariikhda Koobka Adduunka

Xiddiga xulka England iyo kooxda Arsenal ee Bukayo Saka ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kulankii uu xulkiisa England xasuuqay xulka Iran.

Bukayo Saka ayaa ku guulaystay abaalmarinta xiddigii ugu fiicnaa kulanka maadama uu dhaliyay 2 gool oo ka mid ahaa kulamadii uu xulkiisu dhaliyay.

Kadib ciyaarta xiddiga Bukayo Saka ayaa isku qoray taariikhda koobka adduunka isla markaas bar-bareeyay rikoodh ay Halyeeyo hore sameeyeen.

Xiddiga Bukayo Saka ayaa noqday xiddigii ugu da’da yaraa ee koobkiisii ugu horeeyay ee adduunka ka dhaliyay 2 gool iyo wax ka badan tan ilaa 1996.

Saka oo jira 21 sano iyo 77 maalmood ayaa bar-bareeyay rikoodh uu sameeyay xiddiga reer Germany ee Franz Beckenbauer kaas oo sidaas sameeyay isaga oo jira 20 sano iyo 304 maalin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*