Bukayo Saka ayaa uga digay saaxiibadiisa kooxda Arsenal in ay wakhti hore tahay in laga hadlo ku guulaysiga Arsenal ee Premier League xilli ciyaareedkan.
Kooxda Gunners ayaa si cajiib ah ku bilaabatay xilli ciyaareedka cusub, iyagoo haatan 4 dhibcood ku hogaaminaya horyaalka premier League.
Iyadoo kooxaha waaweyn sida Liverpool, Manchester City, iyo Chelsea ay dhibaato ku qabaan inay la socdaan xawaaraha Arsenal isla markaana ay muujiyeen daciifnimo, khubaro badan ayaa aaminsan in horyaalka xilli ciyaareedkan uu yahay mid Arsenal u furan.
Saka oo 3 jeer kaalinta 2-aad la galay kooxda Arsenal ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in kooxda hadda ay leedahay waayo-aragnimada lagama maarmaanka ah si ay u dhammeystiraan loolanka horyaalka — balse wuxuu carrabka ku adkeeyay in aysan cidna kooxda ka mid ah is qancin karin ama isku kalsoonaan karin waqtigan.
Saka ayaa u sheegay Sky Sports isagoo leh:
“Waxaan u maleynayaa in markaad tahay ciyaaryahan Arsenal ah, had iyo jeer ay jirto hadal joogto ah oo ku saabsan halka aad horyaalka kaga dhamaysan karto Iyo sida aad u ciyaarayso”
Saka ayaa hadalkiisa ku sii daray:
“Mararka qaar waxaan dareemaa in xitaa si xad dhaaf ah naloo falanqeeyo, balse sanadkan waxaan u maleynayaa inaan nahay koox aad u xoog badan oo leh tayo sare”
“Waxaan hore u soo marnay dhaawacyo badan, balse ciyaartoydii beddelka ahayd ee soo gashay ayaa muujiyay in dhammaanteen aan heerka sare ku sii hayn karno ciyaarta, waana taas waxa looga baahan yahay haddii aan rabno inaan horyaalka gaarsiino dhammaadka.”
“Waxaan saddexdii sano ee la soo dhaafay ku jiray loolanka horyaalka, waxaana dhammaysanay kaalinta 2-aad Waxa aan ka bartay taas waa in waqtigan aysan ahayn wax aad u muhiimsan”
“Waa marka la gaaro bisha April ee aad u baahan tahay inaad halkaas joogto, waana waqtiga aad rabto inaad hogaanka haysato”
Be the first to comment