Bukayo Saka & Luke Shaw Oo Seegay Tababarka England Ka Hor Kulanka Andorra.

Bukayo Saka, Luke Shaw, Declan Rice iyo Ollie Watkins ayaa dhamaantood ka maqnaa tababarka England Talaadadii ka hor kulanka isreebreebka Koobka Adduunka ee ay la ciyaarayaan Andorra.

James Ward-Prowse ayaa markii ugu horreysay lagu sawiray St George’s Park ka dib markii uu bedelay Kalvin Phillips oo dhaawacmay, laakiin afarta ciyaaryahan ee la hadal hayo ayaa tababar gaar ah ku qaadanaya qolka labiska.

Sida laga soo xigtay Sky Sports, maqnaanshaha afartan xiddig ayaan walaac weyn ku hayn Gareth Southgate oo kalsooni ku qaba in dhammaan 24 -ka ee xulkiisu ay diyaar u noqon doonaan kulanka Andorra.

Waxa la sheegayaa in qorshuhu mar walba ahaa in xiddigaha Saka, Shaw, Rice iyo Watkins ay tababar gaar ah qaataan ka hor inta ayna ku soo biirin xiddigaha intooda kale.

Saka ayaa ku dhaawacmay kulankii ay Arsenal bar-baraha la gashay Brihton halka uu Shaw ku dhibaatoonayo dhaawac garabka ah waliba dareemay caafimaad la’aan kulankii ugu dambeeyay.

Sii Akhriso: Gabadheey, Ma Jirtaa Nin Kuugu Yeedhay Kalmada “Macaan”, Ma Is Waydiinaysaa Sababta & Waxa Uu Uga Jeedo, Halkan Kaga Bogo Warbixinta Cajiibka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*