Bryan Mbeumo Oo Ka Niyad Jabsan Man United, Sabab

Xiddiga Bryan Mbeumo ayaa ka niyad jabsan dadaalada Man United ku doonyso saxiixiisa iyada oo United isku diyaarinayso dalabkii 3-aad.

Mbeumo ayaa si cad u sheegay in uu doonayo in uu u dhaqaaqo Old Trafford laakiin United ayaan wali heshiis la gaarin Brentford oo doonaysa in ka badan 62.5 milyan oo Euro.

United ayaa laba dalab oo guuldarraystay ka gudbisay 25 jirkan Mbeumo iyo Brentford labaduba way ka xumaadeen hoos u dhaca heshiiska.

Brentford ayaa ku adkeysaneysa qiimaha ay ku dalbanayaan waxayna u furan yihiin dalabyada kale ee Mbeumo iyadoo United diyaarinayso dalabkii 3-aad.

Mbeumo, oo dhaliyay 20 gool Premier League xilli ciyaareedkii hore, waa taageere United ah.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga