Waxa ay maalmo yar inaga xigaan furitaanka suuqa January iyada oo kooxaha kala duwan isku diyaarinayaan in ay xoojiyaan kooxohooda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.
Xiddigo badan oo kala duwan ayaa sidoo kale isku dayi doona in ay ku biiraan kooxo ay joogto ugu ciyaaraan qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.
Hadaba waxa aan halkan ugu soo bandhigi doonaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga adiga oo si joogto ah maalin walba ugala socon doona kooxda.com.
Manchester City waxay bartilmaameedsanayaan daafaca Crystal Palace ee xulka England, Marc Guehi oo 25 jir ah, si uu hoggaamiye uga noqdo dib-u-habayn ballaaran oo ay ku sameynayaan daafacooda xilli ciyaareedka soo socda (Times).
Manchester City, Manchester United iyo Chelsea ayaa si dhow ula socda garabka-difaaca Colombia, Daniel Muñoz, balse Crystal Palace ma laha wax rabitaan ah oo ay ku iibinayaan ciyaaryahanka 29-jirka ah (Caught Offside).
Manchester United waxay isku dayi doonaan inay la soo saxiixdaan khadka dhexe ee Atletico Madrid iyo xulka England, Conor Gallagher oo 25 jir ah, inta lagu jiro suuqa kala iibsiga bisha January (Teamtalk).
Khadka dhexe ee Bournemouth iyo xulka USA, Tyler Adams oo 26 jir ah, ayaa laga hadal qaaday Manchester United isagoo noqon kara bartilmaameed suurtagal ah bisha January ama xagaaga dambe (Mail).
Napoli iyo 10 kooxood oo ka ciyaara Premier League ayaa xiisaynaya inay la saxiixdaan khadka dhexe ee xulka England, Kobbie Mainoo oo 20 jir ah, balse masuuliyiinta sare ee Manchester United ayaa ka walaacsan suurtagalnimada inuu ka tago kooxda (Telegraph).
Arsenal ayaa xiisaynaya goolhayaha Talyaaniga ee AC Milan, Lorenzo Torriani oo 20 jir ah (Gazzetta).
Manchester City ma doonayaan inay iib geeyaan goolhayaha Ingiriiska ah James Trafford oo 23 jir ah bisha January inkasta oo ay xiise ka muujinayaan Wolves (Football Insider).
Liverpool weli waxay wadahadallo kula jiraan daafaca Faransiiska Ibrahima Konaté oo ku saabsan heshiis cusub, mana iibin doonaan ciyaaryahanka 26-jirka ah bisha January, inkastoo uu awood u yeelanayo inuu la hadlo kooxo kale bisha soo socota (Teamtalk).
Sacuudi Carabiya ayaa diyaar u ah inay sameyso “wax kasta oo ay awoodo” si ay weeraryahanka Liverpool iyo xulka Masar, Mohamed Salah oo 33 jir ah, ugu soo jiidato horyaalka Saudi Pro League bisha January (Gulf News).
Liverpool ayaa ah meesha uu doorbidayo weeraryahanka Ghana, Antoine Semenyo oo 25 jir ah, marka uu ka tagayo Bournemouth (Team Talk).
Roma ayaa billowday wadahadallo ay ku doonayso inay bisha January kula soo saxiixato weeraryahanka Manchester United iyo xulka Netherlands, Joshua Zirkzee oo 24 jir ah (Sky Sport Italia).
Manchester United ayaa xiisaynaya daafaca dhexe ee kooxda Elche kana soo jeeda Austria, David Affengruber oo 24 jir ah (Team Talk).
Xiddiga Bruno Fernandes ayaa sheegay in uu ku dhawaaday ku biirista horyaalka sucuudiga suuqii xagaaga isla markaas haatan diyaar u yahay in uu ku biiro halkaas (Evening News)
Be the first to comment