Bruno Fernanes Oo Isku Qoray Taariikhda Premier League, Muxuu Sameeyay.

Xiddiga kooxda Man United ee Bruno Fernandes ayaa isku qoray taariikhda horyaalka premier League kadib bar-barihii ay la gashay kooxda Everton kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Red Devils ayaa mar kale lumisay dhibco iyaga oo ku ciyaaraya garoonkooda Old Trafford kulan ka tirsanaa todobaadkii 7-aad ee horyaalka premier League.

Kadib markii uu caawiye ka noqday goolka uu Anthony Martail dhaliyay xiddiga Bruno Fernandes ayaa isku qoray taariikhda horyaalka Premier League.

Xiddiga Bruno Fernandes ayaa ku lug lahaa goolkiisii 50-aad ee horyaalka premier League kadib markii uu caawiyaha ka noqday goolka uu dhaliay xiddiga Martila.

Bruno ayaa caawiyay 50 gool sidoo kale dhaliay 30 kale horyaalka premier League kaliya xiddigaha Andy Cole (43), Alan Shearer (54) & Eric Cantona (54) ayaa ka badnaa xiddiga reer Portugal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*