Bruno Fernandes Oo Weerar Ku Qaaday Qaab Ciyaareedkii Kooxdiisa Ee Kulankii Istanbul Basaksehir

Bruno Fernandes ayaa si weyn u dhaleeceeyay qaab ciyaareedkii Manchester United ee guuldaradii lama filaanka ahayd ee Champions League ee ka soo gaadhay Istanbul Basaksehir wuxuuna ku adkeysanayaa inay ka soo kabsan doonaan kulanka Everton.

Red Devila ayaa samaysay khaladaad waali ah taas oo kooxda reer Turkey ka caawisay in ay guul taariikhi ah ka gaadho kooxda Man United champions League.

Guuldarada United ayaa lumisay labadii qaab ciyaareed ee cajiibka ahaa ee ay soo bandhigtay kulamadii PSG iyo RB Leipzig Fernandes ayaana qirtay in uuna qaab ciyaareedkoodii kulankii Istanbul Basaksehir ahayn mid aad u fiican.

“Wax walba way khaldameen, wax walba oo khalad ah ayaan samaynay”ayuu xiddiga reer Portugal u sheegay MUTV.

“Cadaadiskeenu ma ahayn mid fiican ilaa bilowgii ciyaarta, waxa ay dhaliyeen gool wakhti hore ah kadib taas ayaa ciyaarta nagu adkaysay”.

“Waxa aan isku daynay in aan xalino dhibaatada laakiin waxa aan wakhti dambe galnay ciyaarta”.

“Waxa aan qaban karnaa shaqo fiican, qof walba wuu dareensanyahay arintaas, waan oganahay in aan sidaas nalooga dhalin karin goolasha laakiin haatan waa in aan saxno wixii khaldmay kulanka xiga”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*