Bruno Fernandes Oo Magacaabay Boos Uu Si Fiican Uga Ciyaari Jiray Ka Hor Intii Uuna Xiddig Khadka Dhexe Ah Noqon.

Xiddiga khadka dhexe ee Manchester United Bruno Fernandes ayaa shaaca ka qaaday inuu ku fiicnaan jiray daafaca dhexe booskaas oo ah boos uu tababarihiisii hore ka ciyaarsiin jiray.

Xiddiga reer Portugal ayaa ah xiddiga ugu fiican kooxda Man United tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda ku ciyaarta Old Trafford.

Xiddiga oo ka ciyaara khadka dhexe ee weerarka ayaa ku lug leh 31 gool 33 kulan oo uu u ciyaaray United isaga oo dhaliyay 18 gool.

Laakiin xiddiga 26 jirka ah ayaa sheegay in uu ka ciyaari jiray daafaca dhexe markii uu da’yarka ahaa.

Isaga oo la hadlaya UTD Podcast ayaa yidhi”Waxa aan ka ciyaaray daafaca dhexe inta badan markii aan bilaabayay ciyaarista kubada cagta, daafaca dhexe ama garabka daafaca Midig”.

“Waxa aan ahaa mid ku fiican booskaas, tababarahaygii hore ayaa igu yidhi”Hadii aad doonaysid in aad noqotid xiddig sare waa in aad ka ciyaarto daafaca dhexe, hadii aad doonaysid in aan noqotid xiddig fiican waa in aad ka ciyaarto khadka dhexe”.

“Waxan u malaynayaa in uu khaldanaa, waxa laga yaabaa in aan daafaca dhexe ku fiicnaan lahaa, ma garanayo”.

“Markii aan ka ciyaarayay daafaca dhexe qof walba waxa uu ii sheegayay in aan ahayd daafac fiican”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*