Bruno Fernandes Oo Ku Digtay Man United Iyo Xulka Portugal Oo Sabab U Ah.

Bruno Fernandes ayaa soo jeediyay inuu ka door bidayo u ciyaarida Portugal marka loo eego Manchester United.

30-sano jirkaan ayaa qirtay maanta in xaaladda United ay hadda tahay “mid aan wanaagsaneyn”.

Red Devils ayaa haatan ku jirta kaalinta 14-aad ee kala saraynta horyaalka premier League iyada oo leh 8 dhibcood oo kaliya 7 kulan oo ay ciyaartay.

Waxa ay sidoo kale laba dhibcood ka heleen Europa League.

Xaalada ayaana kasii dartay todobaadkii hore markii kabtanka kooxda Fernandes uu qaatay kaarka cas kulankii Porto.

Iyadoo ay socoto fowdada Old Trafford, ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa hadda u arka waajibaadka caalamiga ah ee Portugal fasax wanaagsan.

Wuxuu yiri: “Ma ahan waqti wanaagsan, kuma guuleysaneyno ciyaaraha, booska xulka qarankana gabi ahaanba wuu ka duwan yahay”.

“Waxaan dareemay xasillooni, dhaq-dhaqaaqa waa mid aad u wanaagsan, waxaan joogaa wadankeyga, waxaan ku hadlaa luuqadeyda, waxaana heystaa cunto ka fiican, waxaan soo bandhigay heer wanaagsan oo xulka qaranka ah”.

“Waa meel aan ku dareemo wanaag, waxaana dareemayaa inaan ku raaxaysan karo kubaddeyda heer aad u sarreeya, taas oo ay ugu wacan tahay dhaq-dhaqaaqa aan heysano iyo tayada aan ku leeyahay xulkayga”.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga