Bruno Fernandes Oo Kashifay Taladii Uu Ka Helay Cristiano Ronaldo Ka Hor Intii Uuna Ku Biirin Man United.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United Bruno Fernandes ayaa kashifay taladii uu ka helay xiddigii hore ee kooxda Man United ee Cristiano Ronaldo ka hor inti uuna ku biirin Red Devisl.

Bruno ayaa Mna United kaga soo biiray Sporting Lisbon suuqii Jannuary ee sanadkii hore waxana uu soo bandhigay qaab ciyaareed fiican.

Fernandes aya dhaliyay 27 gool sidoo kale caawiye ka noqday 17 kale 47 kulan oo uu United u ciyaaray tartamada oo dhan.

Xiddiga oo la hadlaya shabakada Goal ayaa yidhi”Haa, waan la hadlay Ronaldo sababta oo ah isaga ayaa Man United si fiican aqoon ugu lahaa waxana uu ii so jeediyay dhawr talo”.

“Waxa uu ii sheegay taariikhda Man United iyo waliba in ay tahay in aan ka faa’iidaysto ku biirista kooxdan weyn kulana guulaysan karo koobab”.

“Ronaldo waxa uu igu yidhi” Ku Biir Man United kuna raaxaysto kadib taageerayaashu way ku jeclaan doonaan”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*