Bruno Fernandes Oo Kashifay Sababta Uu Marcus Rashford Ugu Daayay Rikoodhada Inkasta Oo Uu Dhalin Karay Saddexley Kulankii Istanbul Basaksehir

Xiddiga khadka dhexe ee Manchester United Bruno Fernandes ayaa shaaca ka qaaday in uu Marcus Rashford u daayay laadashada rikoodhada kulankii kulankii Istanbul Basaksehir ka dib markii uu balan u qaaday saaxiibkiis Red Devils.

Fernandes ayaa dhalin karay saddexley qaybtii hore kadib markii Man United rikoodhe loo dhigay qaybtii hore gaar ahaan daqiiqadii 35-aad laakiin xiddiga reer Portugal ayaa u daayay in uu rikoodhada laagto xiddiga Marcus Rashaford.

Rashford ayaan wax khalad ah samayn waxana uu kubada ka dhaliyay goolkii 3-aad ee kooxda Man United Fernandes ayaana sharaxay dhamaadka ciyaarta sababtii uu Rashford ugu daayay rikoodhada.

“Taasi ma ahan muhiimada, dabacan, xiddig walba waxa uu doonayaa in uu saddexley dhaliyo laakiin kulankii West Brom ayaan Rashford u balan qaaday in uu rikoodhada kale isagu qaadan doono”ayuu u sheegay BT Sport.

“Sidaas darteed waan xasuustay sidoo kale Marcus waa mid ka mid ah xiddigaha ugu goolasha badan Premier League xilli ciyaareedkan sidaas darteed waxa ay u fiicantahay kalsoonidiida in uu dhaliyo”.

“Laakiin sida aan sheegay wax muhiim ah ma lahan cida laadaysa rikoodhada waxa ugu muhiimsan ayaa ah in la dhaliyo”ayuu sii raaciyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*