Bruno Fernandes Oo Kashifay Qofkii Ka Caawiyay Laadkii Xorta Ahaa Ee Uu Ka Dhaliyay Liverpool.

Xiddiga kooxda Man United ee Bruno Fernandes ayaa kashifay qofkii ka caawiyay goolkii uu ka dhaliyay kooxda Liverpool guushana ugu hogaamiyay kooxdiisa.

Man United ayaa guul 3/2 ah ka gaadhay kooxda Liverpool kulan ka tirsanaa tartanka FA Cup-ka waxana ay iska xaadiriyeen wareega 16-ka tartanka.

Bruno Fernandes aaa gool cajiib ah oo laad xor ah dhaliyay daqiiqadii 78-aad isaga oo kooxdiisa goolkaas guul muhiim ah ugu hogaamiyay.

“Laadadka tooska ah waxa aan ku qaataa tababar aad ah laakiin goolka waxa iga caawiyay Edinson Cavani”.

“Cavani ayaa ii sheegay in aad si xoogan ugu laado meel ka fog goolhayaha sidaas ayaanan sameeyay kuna dhaliyay”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Sidee Ayaad Naftaada Uga Hor Istaagi Kartaa In Ay Jeclaato Qof Khaldan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*