Bruno Fernandes Oo Kashifay Koox Premier League Ah Oo Uu Ku Dhawaaday In Uu Ku Biiro Ka Hor Intii Uuna Ku Biirin Man United.

Xiddiga khadka dhexe ee kooxda Man United ee Bruno Fernandes ayaa qirtay inuu ku dhawaa inuu ku biiro Tottenham ka hor inta uusan u saxiixin Manchester United bishii January ee la soo dhaafay.

Tottenham ayaa si aad ah u doonaysay saxiixa xiddiga khadka dhexe suuqii xagaagii hore.

Fernandes oo la hadlaya UTD Podcast ayaa yidhi”Xaqiiqada ayaa ah in aad aad ugu dhawaa in aan ku dhawaa Ku Biirista Tottenham in ka badan intii aan ku dhawaa Man United laakiin Sporting Lisbon ayaa diiday dalabkooda”.

“Waxan u malaynayaa in ay doonayeen lacag ka badan inta ay Tottenham diyaarka la ahayd Tottenham-na way diiday lacagtaas”.

“Waan ka niyad jabsaaa in aan la ii ogolaan in aan ku biiro Tottenham laakiin haatan way ii fiicantahay sababta oo ah waxa aan yimid United oo ah koox aan doonayay in aan u ciyaaro”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*