Xiddiga reer Portugal Bruno Fernandes, oo ah khadka dhexe ee kooxda Manchester United ee Ingiriiska, ayaa ka hadlay sababta uu u fashilmay ku biiristiisa kooxda Al-Hilal ee Sacuudiga xagaagii hore.
Bruno ayaa warbaahinta u sheegay:
“Waxaan qaataa mushahar aad u wanaagsan… balse farqi weyn ayaa u dhexeeya waxa aan hadda helo iyo wixii la ii soo bandhigay markaas. Taasi waligeed ma ahayn waxa i hoggaaminayay.”
Wuxuu intaa ku daray:
“Waxaan awoodi kari lahaa inaan baxo anigoo isku dayaya inaan ku qasbo kooxda, balse marnaba ma aanan dareemin inaan ku jiro xaalad ii saamaxaysa arrintaas. Waxaan dareemay jacayl iyo kalgacal.”
Waxaa xusid mudan in Bruno Fernandes uu noqday xiddig weyn oo ka dhex iftiima Manchester United, sababo la xiriira waxqabadkii uu soo bandhigay tan iyo markii uu kaga soo biiray Sporting Lisbon, inkasta oo ay jireen dhibaatooyin joogto ah oo kooxda horyaalla.
Be the first to comment