Bruno Fernandes Oo Ka Hadlay Guushii Kooxdiisu Ka Gaadhay Tottenham.

Kabtanka Manchester United, Bruno Fernandes, ayaa ka hadlay kadib guushii 2–0 ee ay ka gaareen Tottenham Hotspur kulankii usbuuca 25-aad ee Premier League.

Wuxuu ka hadlay goolkiisa:

“Waxaan u maleynayaa haddii aad kubadda cagta ku garaacdo, waxaa jirta fursad weyn inay kubaddu aad u kacdo sababtoo ah way ka soo laabaneysaa. Qaar ka mid ah dadka ayaa odhan doona in aanan ula jeedin goolka, laakiin dhab ahaantii waan ula jeeday, sababtoo ah waan ogaa in kubaddu toos ugu tagi doonto dhulka, markaa waxa kaliya ee aan u baahnaa waa inaan garaaco.”

Wuxuu sidoo kale ka hadlay muhiimadda goolka labaad:

“Waxaan u baahnayn inaan ciyaarta go’aamino. Waan ogayn inaan aad u maamulnay ciyaarta, laakiin wax walba waxay isbedeli karaan daqiiqad kasta. Waxay leeyihiin ciyaartoy weerar oo aad u fiican oo wax weyn u qaban kara.”

Fernandes ayaa intaas ku daray:

“Waxaan dhali karaynay hal ama laba gool oo kale, laakiin ma fududa in lala ciyaaro difaac isku dhafan. Waxay ahaayeen kuwo aad u mideysan, firfircoon, oo si heer sare ah u difaacay xitaa markay ciyaarayaan 10 ciyaaryahan kaliya.”

Wuxuu sii raaciyay isagoo ka hadlayay waxqabadka kooxda:

“Markaan guuleysano ciyaaraha, kalsoonideennu way sii kordhaysaa. Aad ayey muhiim u tahay inaan diiradda saarno oo aanu xad dhaafin dabaaldegga hadda. Waa dareen cajiib ah, laakiin waa bilow kaliya, waa inaan sii wadnaa. Haddii aan guulaysan ciyaarta xigta iyo tan ka dambeysa, xaaladu waxay ku noqoneysaa sidii hore oo aadan ku raaxaysanayn, kalsoonida ayaad lumisaa, waana adag tahay inaad rumeysato wax kasta oo aad ilaa hadda samaysay.”

Isagoo ku soo gabagabeeyay isla mawduuca:

“Ilaa hadda waxaan si wanaagsan u fulinnay wax kasta oo Michael Carrick iyo kooxda farsamada naga dalbatay, waxaana muujinnay geesinimo inaan qaadno mas’uuliyad ciyaarta dhexdeeda si aan u ciyaarno oo u sameyno wax kasta oo looga baahan yahay guusha. Diiradda ugu weyn hadda waa ciyaarta soo socota. Waxaan haysanaa afar guulood oo xiriir ah, waa dareen fiican, laakiin waa inaan ka dhigno shan guulood hadda.”

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga